Thursday, September 5, 2024

Qaybaha tacliinta\ waa maxey tacliinta sare?

Tacliintu waxey leedahey qaybo kala duwan oo wax ter leh oo qofka ka caawiya waxbarashada iyo fahamka cilmiga. qeybahaas waxaa ka mid ah:

1.Tacliinta asasiga ah 
  • Waa heerka ugu horeeya ee waxbarashada ,waxaana lagu bartaa xirfadaha asaasiga ah sida akhriska, qorista, iyo xisaabta. Tacliintan waxaa lagu qaataa dugsiyada hoose dhexe.
2.Tacliinta sare 
  • Heerkan waxa lagu qaataa dugsiyada sare (secondary school ) waxaana lagu sii baranayaa culuumyo gaar ah sida sayniska, xisaabta, luuqadaha, iyo cilmiga bulshada. waxa kale oo la diyaariyaa ardeyda si ay ugu gudbaan heerarka kale ee tacliinta sare



3.Tacliinta sare\Dugsiyada sare 
  • Waxey ka koobantahey heerka ka danbeeya dugsiga sare, waxaana ka mid ah jaamacadaha iyo kuliyadaha. waxaa lagu bartaa cilmiyada gaarka ah sida caafimaadka, injineerinka, cilmi bulshada iyo ganacsiga.
4.Tacliinta farsamada (Technical Education )
  • Waxey diirada saartaa xirfadaha farsamada iyo hawlaha gacanta sida injineerinka, korontada, dhismaha, hagaajinta baabuurka, iyo farsamooyinka kale ee la xiriira shaqooyinka farsamada gacanta.

5.Tacliinta joogtada ah (Life long learning )
  • Tani waxey ogolaaneysaa dadka inay waxbartaan inta ay nool yihiin. waxaa ka mid ah tababarro, cilmi-baaris, iyo jaamacadaha dadka waaweyn ee aan horay u helin fursad waxbarasho.
6.Tacliinta gaarka ah (Special Education )
  • Waxey u gaar tahey dadka qaba baaahiya gaarka ah waxaa loogu talagaley in ay si gaar ah u bartaan xirfado waafajiyey baahidooda

Qaybahan ayaa iskaashanaya si lo abuuro nidaam waxbarasho  oo dhameystiran oo qof walba ka caawinaya horumarinta aqoontiisa iyo xirfadiisa. 




Wednesday, September 4, 2024

waa maxey tacliintu ama waxbarashadu? jawaab waafi ah

 Ugu horeyn waxaa jira Tacliin heerarkala duwan leh ;sida dugsiyada hoose\dhexe\sare, jaamacadaha ama  tacliin sare iyo xirfadeed hadaba su'aashan waxey ku saabsantahey heerka waxbarashada dugsia sare iyo dhexe aynu dib unoqono.


Waa maxey tacliinta amma waxbarasho?

waxbarasho ama tacliin:Guud ahaan waxbarasho amma tacliin waa geedi socodka uu qofku ku baranaayo aqoon, xirfad , iyo aqoonta nolosha. waxey noqon kartaa mid rasmi ah ama mid aan rasmi aheyn. 

Waxbarashada rasmiga ah: Waa waxbarashada lagu dhigto dugsiyada  hoose dhexe sare illaa heer jaama cadeed 

Waxbarashadeyna aan rasmiga ah:waa waxbarashada aan lagu dhigan dugsi ama jaamacad waxaaney noqon kartaa xirfad ama online ahaan iyo waxbarasho ku saabsan shaqooyinka. 

Professer axmed samater waxaa uu si weyn u faah faahinayaa qiimaha tacliinta iyo waxbarashada hadaba si aad ugarato qiimaha waxbarashada halkan ka daawo sida proffesser axmed saamater sida uu uga jawaabayo su aashan.

Marka aad si fiican uakhridid qoraalkan dhageysatidna videogan commantiga noogu reeb fikradaaad lana wadaag dadka kali su'aashan.


Halkan ka daawo proffesser axmed samater iyo jawaabtiisa?








Qaybaha tacliinta\ waa maxey tacliinta sare?

Tacliintu waxey leedahey qaybo kala duwan oo wax ter leh oo qofka ka caawiya waxbarashada iyo fahamka cilmiga. qeybahaas waxaa ka mid ah : 1...